Tababaraha Arsenal ayaa ka hadlay weeraryahanka cusub Viktor Gyökeres sida uu ula qabsan karo Premier League-ka iyo Tababare ahaan wuxuu ka filan karo xili ciyaareedkan adag.

Arteta ayaa yiri “Ciyaaryahankan wuxuu u baahan yahay in uu qaato tababar badan anagana aan garab istaagno si aay u suurto gasho inuu la qabsado kooxda, weey na farxad gelin doontaa Arsenal ahaan iyo taageeraayaashaba marka uu shabaqa in badan soo taabto una muuqdo mid la qabsaday tababarka kooxda, waan caawin doonaa si mustaqbalkiisa xirfad muuqato uu uyeesho”.

Gyökeres ayaa safka hore kusoo bilowday kulankii ugu horeeyay Arsenal Premier League ciyaarto sanadkan xili aay wajahayeen Manchester united kuna guuleysteen 1-0, Kulankaasi wuxuu helay qiimeynta ugu liidato labada kooxood, daqiiqadii 60-naad ayaa lagu badalay Kai Havertz.

Ciyaarayahankan reer Sweden ayaa bishii July Arsenal kusoo biiray asagoo kasoo hayaamay Sporting CP xilli ciyaareedkii hore ayuu shabaqa soo taabtay 54 jeer wuxuuna caawin sameeyay 12 jeer 52 kulan gudaheed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here