Grimsby
Grimsby
27 Aug 2025 - 10:00 pm
2 : 2
12 Penalties 11
Man United
Man United
Unknown EFL CUP LAACIBKA TV

Daafaca Garabka danbe ee Manchester United ayaa si cad u sheegay in aay ka danbeeyeen ciyaaryahanadii garoonka ku jiray kulankii guuldada kasoo Grimsby Town tartanka Carabao Cup taasna la macno tahay inaan la eedi karin tababare Amorim oo dadaalay.

Manchester united ayaa dharbaaxo xanuun badan kala kulantay Grimsby Town oo heer League Two ah ka reebtay tartanka Carabao Cup wareegiisa labaad.

Dalot, oo ah xiddig caalami ah oo u dhashay dalka Portugal, ayaa sheegay in kooxdiisu aysan muujin dadaal ku filan, isla markaana aysan lahayn tayada loo baahan yahay si ay guul uga gaaraan kulankaasi.

Digo Dalot ayaa yiri “Waxqabadkayaga ma uusan fiicnayn, gaar ahaan qeybtii hore. Waxaan si toos ah u siinay ciyaarta, waxaan u fududeynay sidii ay rabaan. Sidaas darteedna guul lama helin.”.

Waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan aaminsanahay inaan muujin lahayn wax badan oo ka badan intaas. Waa inaan si cad u muujinnaa rabitaanka iyo tayada kooxda Manchester United.”.

Guuldarradan ayaa ka dhigan in United xilli ciyaareedkan ay ku tartami doonto keliya Premier League iyo FA Cup, iyadoo rajadii ay ka qabeen koobabka kale si degdeg ah u dhammaatay.

Grimsby Vs Man United

  • 🏆 Competition : EFL CUP
  • 📺 Channel Name : LAACIBKA TV
  • 🎤 Commentator : Unknown
  • Match Time : Mogadishu Time
  • Matche Date : 27 Aug 2025
  • Matche Result : Grimsby 2 - 2 Man United Penalties12 - 11

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here