Paul Merson ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu jecelyahay in ay ku guulaysato premier League xilli kooxaha Chelsea iyo Arsenal ay baacsanayaan hogaamiyayaasha Liverpool.
Kadib bixitaankii Klopp dad badan ayaa filayay in ay Liverpool dhibaatooto xilli ciyaareedkan laakiin Slot ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
Reds ayaa kaliya laga badiyay hal kulan ilaa haatan waxana ay ku jiraan qaab ciyaareed cajiib ah.
Liverpool ayaa 2 dhibcood ku hogaaminaysa premier League iyada oo hal kulan oo baaqi ah u dhimanyahay iyada oo chelsea baacsanayso Blues.
“Todobaadkan waxa uu noqon karaa mid is badali kara dhinaca tartanka horyaalka”ayuu Merson yidhi.
“Sababta aan sidaas u leeyahay Liverpool waxa ay ciyaartay Arbacadii kulan halka ay mar kale kulan adag ciyaarayso iyada oo wajahaysa Tottenham”.
“Waan ogahay inay nasiyeen ciyaartoydooda ugu muhiimsan ciyaartaas koobka ah ee Southampton, laakiin marka ay wajahaan Spurs waxa ay dhibco lumin karaan waxana ay aadi karaan kaalinta 2-aad hadii ay chelsea ka badiso Everton”.
“Haddii aan hadda dooran lahaa kuwa ugu cadcad ku guuleysiga Premier League, wali waxaan dooran lahaa Liverpool. Laakiin i rumayso markaan idhaahdo Chelsea wax badan kama foga”ayuu sii raaciyay.