Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay inuu maray qaliin fudud, laakiin wuxuu caddeeyay inuusan ka maqnaan doonin hal tababar oo kooxda Fenerbahce ah.

Tababaraha reer Portugal, oo 61 jir ah, ayaa lagu soo warramay inuu dibadda Turkiga ugu baxay arrin caafimaad. Si kastaba ha ahaatee, Mourinho ayaa ku adkaystay in qalliinka uu ahaa mid yar oo aan walwal lahayn.

Wuxuu fariin muuqaal ah soo dhigay boggiisa Instagram, isagoo yiri:

“Ciid wanaagsan dhammaan. Aad baad ugu mahadsan tihiin farriimihiinna tirada badan.”

Wuxuu sidoo kale qoraal ku daray farriintiisa, isagoo sheegay:

“Waan idiin rajeynayaa fasax farxad leh oo ka buuxo jacayl iyo farxad idinka iyo qoysaskiinna.

“Kuwo badan oo walaac ka muujiyay xaaladdayda, waxaan xaqiijinayaa in wararka qalliinkayga aad loo buunbuuniyay, wuxuu aahaa qaliin degdeg ah oo yar.

“Waxaan dib u bilaabi doonaa tababarka maalinta ugu horreysa ee fasaxa kadib, sida caadiga ah. 25 sano ayaan tababarka kooxda ka maqnaan, mana filayo inaan hadda bilaabo. JM.”

Mourinho ayaa ku jiray aagga tababaraha kulankii ay kooxdiisa Fenerbahce barbaraha 1-1 la galeen Eyupspor Jimcihii. Kooxda Turkish-ka ah ayaan ciyaari doonin mar kale ilaa Janaayo 5, markaas oo ay martigelin doonaan Hatayspor.

Fenerbahce ayaa haatan siddeed dhibcood ka dambeysa hogaamiyayaasha horyaalka, Galatasaray, oo aan wali laga adkaan xilli ciyaareedkan.

Mourinho, oo loo yaqaan “The Special One,” ayaa horey u maamulay kooxo waaweyn sida Porto, Chelsea, Inter Milan, Real Madrid, Manchester United, Tottenham, iyo Roma ka hor inta uusan ka degin Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here