ALLA MAXAY SAMEYSAY UTD Amorim oo Garaacay Man City Kulan Comeback Cajiib AhbAy Sameysay Man Utd
Manchester City ayaa kusoo dhaweysay Manchester United garoonka Etihad kulan katirsan todobaadka 16aad ee Premier League.
Manchester City oo dhibane u aheyd guuldarrooyin xiriir ah 10kii kulan ee ugu dambeysay, waxay hogaanka u qabteen kulanka Derby-ga ah qeybta hore ee ciyaarta.
Josko Gvardiol ayaa daqiiqadii 36-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo hogaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa kadib caawin ka timid Kevin De Bruyne.
Manchester United ayaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu qasbay inay isbedel sameyso kadib dhaawac soo gaaray Mason Mount daqiiqadii 12aad, taasoo aheyd caqabad uu wajahay Amorim.
Man City ayaa qeybtii hore ee ciyaarta isku dayday todobo darbo iyadoo seddex gool ay ahaayeen target ama halis,halka Manchester United aysan wax isku day sameyn.
Markii la isku soo laabtay qeybta labaad Man Utd oo dadaal ugu jirtay in ay hesho goolka barbaraha ah, laakiin City ayaa awood daafac oo xoogan kala hortimid.
Bruno Fernandes ayaa daqiiqadii 72 aad ee ciyaata qasaariy fursad gool u qalantay, waxay aheyd darbadiisa halistii ugu horeysay Man Utd ka sameyso ciyaata.
Daqiiqadihii ugu dambeeyay wax walba ayaa isbedelay alla maxay wacdaro lasoo baxday Man Utd oo dhalisay laba gool oo deg deg ah.
Amad Dialo ayaa shaqada ugu badan qabtay isagoo rigoore lagu galay Fernandes gool ubedelay, waxaana uu raacsaday kan labaad isaga kulanka ka djigay 2-1.
Amorim Xal ma helin goolasha madaxa looga dhaliyo
Keliya Wolves oo 9 madaxa ah laga dhaliyay xilli ciyaareedkan Premier League ayaa ka badan Manchester United 8 koorno laga dhaliyay.
Afar ka mid ah goolashaan madaxa ah waxay yimaadeen waayaha Ruubeen Amorim.
Waxa laga dhaliyay 42% goolashii madaxa ahaa ee lagu helay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Tani waxay muujineysaa sida Man Utd ugu liidato kubadaha jooga sarre, waana su’aal jawaabteeda looga baahan yahay Amorim.
Gvardiola gool lagama celin karo
Goolasha ugu badan ee ay daafacyadu dhaliyeen Premier League tan iyo bilowgii sanadkaan 2024 waxaa hogaaminaya difaaca Man City ee Josko Gvardiol.
Daafaca Man City ayaa caawa gaaray shabaqada Man Utd qeybta hore, waxaana goolkaas uu ahaa mid muhiim u noqday Man City
Lix kamid ha 8 gool ee Josko Gvardiol ayaa ku yimid gariinka Man City ee Etihad Stadium.
Liiska daafacyada Premier League ugu goolasa badan 2024
◉ 8 -Josko Gvardiol
◎ 6 – Gabriel Magalhães
◎ 6 – Fabian Schär
Visitor comments ( 0 )