Amorim Oo Lagu Eedeeyay Fal Ciyaal Suuqnimo Ah, Bahdil iyo Aflagaado..
Xiddigii hore ee Premier League, Nigel Reo-Coker, ayaa rumeysan in weeraryahanka Manchester United, Joshua Zirkzee, uu “lumiyay dhammaan ixtiraamkii” uu u hayay tababaraha kooxda, Ruben Amorim.
Zirkzee ayaa garoonka laga saaray kaliya 33 daqiiqo oo ciyaarta ah intii lagu jiray guuldarradii 2-0 ee Manchester United ay kala kulantay Newcastle habeenkii Isniinta.
Newcastle ayaa markaas laba gool ku hoggaamineysay ciyaarta, waxaana Amorim uu beddelka u sameeyay sababo la xiriira dhibaatooyinka khadka dhexe ee Casemiro iyo Christian Eriksen.
Isagoo sharraxaya go’aankiisa inuu beddelo Zirkzee kahor waqtigii nasashada, Amorim ayaa yiri:
“Waxaad u baahan tahay inaad ka fikirto kooxda, mararka qaarna ciyaaryahanka, sababtoo ah ciyaaryahanka ayaa dhibban.
“Waxaan ogahay inuu doonayay inuu wax qabto sababtoo ah toddobaadkan waan arkay sida uu u dadaalayo. Tani waa waxa ugu muhiimsan, laakiin ciyaarta dhexdeeda wuu dhibtoonayay.
“Waxaan dareemay in kooxda ay dhibaato ku jirtay oo aan u baahannay khad dhexe oo dheeraad ah, markaa waxaan keenay Kobbie Maino si aan kubbadda u sii haysanno.
“Laakiin tani waxay ahayd go’aan aad u adag inaan qaato, waxaana kala hadlay arrintan Josh waayo waa muhiim in farriinta la is gaarsiiyo. Laakiin mar walba waxaan ka fikiraa kooxda, waana waxa muhiimka ah waqtigaan.”
Taageerayaashii ku sugnaa Old Trafford ayaa qeylo ku harqiyay markii Zirkzee garoonka ka baxay, isagoo si toos ah ugu dhaqaaqay qolka labiska ka hor intaanuu dib ugu soo laaban kursiga keydka.
Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa sheegay inuu “ka xumaaday” Zirkzee, kaas oo afar gool u dhaliyay kooxda tan iyo markii uu xagaagii hore kaga soo biiray Atalanta aduun dhan £35.6m.
Sida uu Zirkzee uga falcelin doono dhacdadan ayaa weli la sugayaa, laakiin Reo-Coker ayaa rumeysan in ciyaaryahanka aanu mar dambe ku kalsoonaan doonin Amorim.
“Waxay u tahay waayo-aragnimo adag, sidoo kale waa cashar adag oo uu Ruben Amorim baran doono,” ayuu Reo-Coker u sheegay BBC Radio 5 Live.
“Markaad la kulanto dhacdo noocan ah, waa muhiim inaad tixgeliso dhinaca bini’aadannimada.
“Zirkzee wuxuu u arki doonaa Amorim qof aanu kalsooni ku qabin mar dambe. Wuxuu odhan karaa ‘subax wanaagsan tababare’, laakiin ixtiraam dhab ah ma siin doono.
“Tani waa qirasho ka timid Amorim inuu khalad sameeyay marka uu sameynayay xulashada kooxdiisa.
“Amorim waa inuu isku dayaa inuu hagaajiyo xiriirka isaga iyo Zirkzee sababtoo ah waxay u badan tahay inuu dib ugu baahan doono mararka qaar, si uu u helo taageeradiisa oo uu u dhiirrigeliyo inuu u ciyaaro si firfircoon.”
Manchester United, oo kaalinta 14-aad ku jirta Premier League, ayaa Axadda booqanaysa Anfield si ay ula ciyaarto kooxda horyaalka hoggaaminaysa ee Liverpool.
Visitor comments ( 0 )