Weeraryahanka kooxda Inter Milan, Lautaro Martínez, ayaa si buuxda u taageeray xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah, isagoo sheegay in Salah uu mudan yahay abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan.

Lautaro ayaa yiri: “Ciyaartoy badan ayaa xilli-ciyaareed cajiib ah soo qaatay, isla markaana koobab ku guuleystay. PSG waxay haystaan ciyaartoy mudan sida Hakimi iyo Dembélé. Anigu aad ayaan u jecelahay Mohamed Salah. Wuxuu soo bandhigay xilli-ciyaareed heer sare ah, wuxuuna Liverpool u qaaday horyaalka Premier League. Waa ciyaaryahan aan caadi ahayn.”

Inkasta oo Lamine Yamal (Barcelona) iyo Ousmane Dembélé (PSG) loo arko kuwa ugu cadcad ee ku tartamaya Ballon d’Or, haddana Mohamed Salah ayaa si gaar ah u iftiimay xilli-ciyaareedkii 2024/25. Wuxuu door weyn ka qaatay guusha Liverpool ee Premier League, taasoo ahayd xilli-ciyaareedkii ugu horreeyay ee tababaraha Arne Slot.

Salah, oo ah weeraryahan reer Masar ah, ayaa xilli-ciyaareedkaas ku dhammeystay 34 gool iyo 23 caawin dhammaan tartamada. Xilli-ciyaareedkan cusub, wuxuu durba bilaabay si xooggan, isagoo saddex kulan oo Premier League ah ku dhaliyay 1 gool iyo 1 caawin.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here