Bukayo Saka Vs Man United: Rikoodh Sidee ah Ayaa u Yaalo Saka Dhanka Man Utd.
Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaa isku dayi doona in uu sii wado rekoodhka guuldaro la’aanta marka ay kooxdiisu u safarto London si ay ula ciyaaraan Arsenal kulan ka tirsan Premier League.
Arsenal ayaa kulanka soo galaysa saddex guul oo xidhiidh ah oo ay gaadheen, waxayna dhaliyeen 13 gool, lagana dhaliyay saddex gool oo keliya muddadaas.
Bukayo ayaa hogaaminaya weerarka kooxda Gunners xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 7 gool iyo 11 caawin 18 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Sidoo kale waa gooldhaliyaha ugu sarreeya Arsenal ilaa hadda, isagoo shan gool la mid ah Kai Havertz.
Saka waxa uu Man United ka horyimid sagaal kulan oo Premier League ah,waxa uu ka dhaliyay 3 gool,waxana uu caawiye ka ahaa 2 gool wakhtigaas.
Waxa uu kulankiisii ugu horeeyay saftay kulankii ay barbaraha 1-1 ku galeen Old Trafford 2019. Waxa uu caawiye ka ahaa goolkii barbaraha ee Pierre-Emerick Aubameyang kulankaas, isaga oo ka caawiyay kooxdiisa in ay hal dhibic la baxdo.
Waxa uu goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka ka dhaliyay Red Devils guushii 3/1 ahayd ee ay kooxdiisu ku gaadhay Emirates Stadium sanadkii 2022.
Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta dhibcaha iyaga oo 9 dhibcood ka dambeeya kooxda hogaanka haysa ee Liverpool iyada oo Man United ay ku jirto kaalinta 9-aad.
Visitor comments ( 0 )