Tababaraha West Ham Julen Lopetegui ayaa dib ugu laabtay Spain si uu uga qeyb galo aaska aabihiis Jose, kaasoo dhintay isagoo 94 jir ah.

Jose Lopetegui waxa uu ahaa horyaal-qaade miisaan leh oo kasoo mmuuqday ciyaaraha gobolka Basque.

Tababaraha Hammers Lopetegui ayaa markii ugu dambeysay booqday aabihiis intii lagu jiray fasaxii caalamiga ee bishii November.

Waxaa la filayaa inuu ku soo laabto kooxdiisa kulanka sabtida ee Premier League ku wajahayaan Brighton.

Dhanka kale shaqaalaha tababarka ee Lopetegui, Pablo Sanz iyo Edu Rubio, ayaa qaadan doona doorka tababarka kooxda.

Afhayeen u hadlay West Ham ayaa yiri: “West Ham United waxa ay xaqiijineysaa in tababare Julen Lopetegui uu ku laabtay Spain si uu uga qeyb galo aaska aabihiis, Jose, kaasoo geeriyooday isagoo 94 jir ah.

Qof walba oo kooxda katirsan wuxuu murugada la qeybsanayaa Julen, qoyskiisa iyo asxaabtiisa ” ayaa yiri Afhayeenka West Ham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here