Enzo Maresca Oo Ka Hadlay Xiddigii Daroogada Lagu Helay

19 December 2024 - 7:41 pm

Enzo Maresca ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda Chelsea ay ku noqotay lama filaan iyo murugo markii ay maqleen natiijada tijaabada daroogada ee uu ku guuldareystay Mykhailo Mudryk.

Mudryk ayaa haatan aan tababaran karin ama ciyaari karin kadib markii tijaabo daroogo oo bishii Oktoobar lagu sameeyay laga helay natiijo xun oo ku saabsan “A” sample-kiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Mudryk laga helay maadada mamnuuca ah ee meldonium oo ah daawo loogu talagalay wadnaha, oo horey ciyaaryahanka tennis-ka ee Maria Sharapova loogu ganaaxay laba sano, inkastoo xukunkeeda lagu soo koobay 15 bilood.

Mudryk, oo 23 jir ah, ayaa ku adkeystay inuusan wax khalad ah gelin, isagoo bayaan ku sheegay inuu ku jiro “qalbi jab iyo lama filaan buuxa” kaddib natiijada tijaabada. Wuxuu hadda sugayaa natiijada “B” sample-ka, oo sidoo kale la qaaday waqtigii hore, si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha tijaabada hore.

Maresca ayaa sheegay: “Hadda xaaladda way caddahay, kooxda ayaa horey u soo saartay bayaan, mana jiro wax intaas ka badan oo aan ku daro. Waxa muhiimka ah waa inaan taageero buuxda siino Micha, oo aan kalsooni u hayno isaga.”

Wuxuu intaas ku daray: “Marka waxyaabahan oo kale dhacaan, waa inaad ka taageerto ciyaaryahanka dhinac walba. Micha waa ciyaaryahan Chelsea ah, waana waajibkayga inaan xiriir joogto ah la sameeyo isaga, aniga, kooxda, iyo saaxiibbadiisa waxay u taagan yihiin inay garabkiisa joogaan.”

Maresca ayaa sidoo kale caddeeyay in isaga iyo kooxda ay rumeysan yihiin in Mudryk si aan ula kac ahayn u isticmaalay maadada mamnuuca ah.

Wuxuu yiri: “Dabcan, waan aaminsanahay Micha. Waxaan la hadlay maalmihii la soo dhaafay. Inkastoo uusan tababaran karin waqtigan, kooxda waxay diyaar u tahay inay taageero walba siiso.”

“Kalsooni micnaheedu waa inaan rumeysanahay Micha, waan taageer san-nahay isaga, kadibna waan arki doonaa sida ay wax u dhacaan.”