Guardiola oo amray ciyaartooydiisa arrin waalli ah kadib natiijooyinkii xumaa ee kulamadii ugu danbeeyay
Guardiola oo ku amray ciyaartoyda Man City inay habeenka Kirismaska ku seexdaan xarunta tababarka
Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa ku amray ciyaartoydiisa inay habeenka Kirismaska ku qaataan xarunta tababarka Etihad Campus, isagoo doonaya inuu wax ka qabto hoos u dhaca qaab ciyaareed ee kooxdiisa.
Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ayaa martigelin doonta Everton 12:30 duhurnimo maalinta Boxing Day, iyagoo rajeynaya inay soo afjaraan rikoodh xun oo ah hal guul oo kaliya 12-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
Ciyaartoyda City ayaa sida caadiga ah wada seexda habeenka ka horreeya kulamada garoonkooda, waxaana Guardiola uu ku adkeysanayaa in aan laga leexan jadwalkan inkastoo uu jiro fasaxa Kirismaska.
Ciyaartoydu waxay waaberigii Kirismaska la qaateen qoysaskooda kahor intaysan ku soo laaban xarunta tababarka, halkaas oo ay ku qaateen tababarka galabnimo iyo kan habeenkii.
Guardiola ayaa yiri:
“Maanta (Talaado) ayaan tababaraneynaa, berri (Arbaco) habeenkii ayaan tababaraneynaa, halkan ayaan ku hoyanaynaa, kadibna Boxing Day ayaan ciyaaraynaa.”
Markii la weydiiyay haddii ciyaartoydiisu ka cabsanayaan inay habeenka Kirismaska ku qaataan xarunta tababarka, Guardiola ayaa si cad u yiri:
“Waxaan rajeynayaa inay rabaan inay halkaan joogaan, sababtoo ah waa shaqadeenna.”
Visitor comments ( 0 )