Guardiola Sheegay inuu qaadi karo Premier League, Waxaan Sameyn doonaa qaabkan si aan u hanano koobka Ingiriiska.
Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa ballan qaaday inuusan marnaba ka quusan doonin siduu xaalad wanaagsan ugu soo celin lahaa kooxda.
Tababaraha reer Spain ayaa ka hadlayay ka hor kulanka Premier League ee ay kooxdiisu booqanayso Leicester City, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu wax ka beddelo natiijooyinka liita ee xilli ciyaareedkan.
Kooxda Citizens ayaa haatan ku jirta kaalinta toddobaad ee horyaalka, iyagoo kaliya labo guul helay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay.
Guardiola oo la hadlayay Eurosport, ayaa yiri: “Waan isku dayi doonnaa inaan sidaan wax ka bedelno, waan sii wadi doonnaa dadaalka. Ma quusan doonno. Waxaan doonayaa inaan halkan sii joogo.”
Wuxuu intaas ku daray “Waxaan rabaa inaan sidaas sameeyo, waana inaan sameynaa marka loo eego xaaladda aan ku jirno. Dabcan, waxaan rabaa in aan soo afjarno xaaladda xun, qof walba wuu rabaa taas.”
Guardiola ayaa sidoo kale muujiyay inuu dareensan yahay mas’uuliyadda saaran isaga:
“Ma doonayo inaan niyad-jabiyo dadka ii baahan, ha ahaadaan kooxda, taageerayaasha, ama kuwa jecel kooxda. Waxaan qabaa inaan dhammaanteen shaqadeenna ugu fiican sameyno si aan u qancino dadka.”
Pep ayaa rajeynaya in Manchester City ay ku soo laabato wadada guusha iyadoo uu horyaalka Premier League weli furan yahay. Taageerayaasha City ayaa dhankooda rajeynaya in tababarahooda guuleystay uu ka soo kaban doono caqabadaha hadda taagan.
Visitor comments ( 0 )