Khabiirka Suuqa Kala iibsiga Romano oo Shaaca Ka Qaaday Halka Saxiix ee Chelsea Ku Biiri Kara January “Waakuma
Waxaa jiray hadallo badan oo maalmihii la soo dhaafay ku saabsanaa xiisaha Chelsea ay u qabto in ay wax ka beddesho Janaayo, afka hore ee kooxda.
Ciyaartii shalay ee Everton waxaa la arkay kooxda Enzo Maresca oo ku dhibtooneysa goolka hortiisa, waxaana jira suurtagalnimo kooxda ku raadineyso weeraryahan cusub.
Sida la saadaaliyay, Victor Osimhen ayay sarre u qaaday Chelsea doonistiiisa saacadihii lasoo dhaafay.
khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa aaminsan in heshiiskaan macquul ay tahay in la dhameeyo suuqa January.
Xilligan, Chelsea ayaa aad ugu faraxsan dib u dhiska uu sameeyay tababare Maresca kaasoo ka caawiyay kooxdiisa inay fariisato kaalinta labaad ee Premier League.
Fabrizio Romano ayaa aaminsan in Chelsea ay ku dhawaaqi doonto saxiixa weeraryahanka Nageria Victor Osimhen, kaasoo haatan amaah kaga maqan Napoli.
Visitor comments ( 0 )