Xiddiga da’da yar ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain, Lamine Yamal, ayaa si lama filaan ah u muujiyay inuu weli xiriir dhow la leeyahay gabadha uu jecel yahay ee Nicki Nicole, inkastoo warar hore sheegayeen inay kala tageen.

Muuqaal uu duubay saaxiibkiis Nico Williams oo lagu baahiyay gudaha qolka labiska ayaa muujiyay Yamal oo dhoolla-caddeynaya, isagoo taleefankiisa ka soo bandhigay sawirka Nicki Nicole oo ku saarneyd shaashadda. Williams ayaa sawirka ku qoray: _“Saaxiibkay jacayl ayuu ku jiraa.”_

Tani waxay meesha ka saartay wararkii toddobaadkii hore ka soo yeeray Spain ee sheegayay in Yamal iyo Nicki Nicole ay kala tageen 13 maalmood kaddib markii ay si rasmi ah u shaaciyeen xiriirkooda.

Muuqaalkan ayaa soo baxay kaddib guul weyn oo xulka Spain ka gaaray Turkey, iyagoo 6–0 ku xasuuqay. Mikel Merino ayaa dhaliyay saddexleey, halka Pedri iyo Ferran Torres ay iyaguna goolal dhaliyeen. Yamal laftiisa wuxuu caawiyay mid ka mid ah goolasha muhiimka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Yamal ayaa baasaboorkiisa ku lumiyay gudaha garoonka Konya, taasoo keentay in bixitaanka kooxda uu hakad galo.

Yamal, oo dhawaan uun 18 sano jirsaday, ayaa si weyn loola socdaa gudaha iyo dibadda garoomada tan iyo markii uu si buuxda ugu biiray kooxda koowaad ee Barcelona iyo xulka qaranka Spain xilli-ciyaareedkan.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here