Man Utd oo Weeraryahan Cajiib Ah Heshay, Arsenal, Liverpool, Chelsea, Barce, Madrid Iyo Wararkii Wargeysyada Yurub

22 December 2024 - 1:35 pm

Manchester United ayaa kula biirtay kooxaha Arsenal iyo Chelsea tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka RB Leipzig Benjamin Sesko si uu badal ugu noqdo Marcus Rashford. (TBR Football)

kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa haatan isha ku haysa kabtanka Liverpool Virgil van Dijk oo ay si lama filaan ah ay Kula wareegi karaa beeca xorta ah (Football transfer)

Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa labaduba xiiseynaya xiddiga ay dooneyso Manchester United in ay iska iibiso Marcus Rashford, (Fichajes – Spain)

Chelsea ayaa xiiso u qabta inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka da’da yar ee khadka dhexe ee Sporting CP Dario Essugo. 19-sano jirkaan haatan amaahda ugu jooga Las Palmas ayaa sidoo kale soo jiitay indhaha Leeds United. (The Sun)

Manchester City ayaa dalab 80 milyan euro ah miiska u saartay kooxda West Ham xiddiga katirsan ee Mohammed Kudus (Fichajes – Spain)

Christopher Nkunku waxana uu damacsan yahay in uu ka tago galbeedka London kooxda ka dhisan ee Chelsea, iyadoo PSG, Fenerbahce iyo Galatasaray ayaa dhamaantood xiiseynayaan. (TBR Football)

Paris Saint-Germain ayaa u dhaqaaqday Nico Williams oo (£48m) lagu burburin karo qandaraaskiisa, iyadoo qaaday tallaabo weyn oo ku aaddan sidii ay u heli laheyd ciyaaryahanka oo bartilmaameed u ah Arsenal, Chelsea, Liverpool, Tottenham Hotspur iyo Bayern Munich. (Fichajes – Spain)

Iyadoo ay jiraan warar xan ah oo sheegaya inuu ka tagayo Old Trafford, hadana waxaa sii kordhaya aaminaadda in Harry Maguire uu qandaraas cusub u saxiixi doono Manchester United. (Football Insider)

Daafaca dhexe ee da’da yar ee Arsenal Ayden Heaven ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga soo socda, kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee Manchester City ayaa kula wareegi karta beeca xorta ah  (TBR Football)

Tababaraha kooxda Barcelona Hansi Flick ayaa meesha ka saaray isku daygii ay kooxdu ku doonaysay saxiixa weeraryahanka Manchester United Alejandro Garnacho maadaama aanu aaminsanayn in xiddiga reer Argentine uu gaadhay heerkii loo baahnaa. (El Nacional – Spain)