Marcus Rashford Oo La Fashiliyay Cida Kula Talisay Inuu Man United Ka Tago, Iyo Amorim oo..
Ruben Amorim ayaa si cad u sheegay cidda uu ku eedeynayo fadeexadda Marcus Rashford ee ku saabsan suuqa kala iibsiga Manchester United.
Xaaladda Marcus Rashford ee Manchester United ayaa ah mid adag, iyadoo weeraryahanku uu shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay caqabad cusub oo noloshiisa ciyaareed ah. War-bixin la yaab leh ayaa ka soo baxday xaaladda ka dib markii tababaraha United, Ruben Amorim, uu Rashford ka saaray safka ciyaarta Manchester derby toddobaad ka hor sababo la xiriira heerarkiisa tababarka.
Rashford, oo 27 jir ah, ayaa tan iyo markaas laga reebay kulammadii Tottenham Hotspur iyo Bournemouth, inkastoo lagu arkay Old Trafford isagoo taageerayaasha salaamaya intii lagu guda jiray ciyaartii Bournemouth. Ruben Amorim ayaa horay uga hadlay wareysiga Rashford, balse wareysi cusub oo uu siiyey Sky Sports, wuxuu su’aal ka keenay dadka dirdiraya laacibka.
“Waa xaalad adag. Waxaan fahamsanahay in ciyaartoydan ay dad badan ku hareeraysan yihiin oo go’aanno khaldan kula talinaya, kuwaas oo aan ahayn fikirka koowaad ee ciyaaryahanka,” ayuu yiri.
“Waxaan had iyo jeer diyaar u ahay inaan caawiyo Marcus sida ciyaaryahannada kale. Waa inaan sameeyo waxa aan u arko iney sax yihiin. Iyagu waxay doorteen inay wareysiga bixiyaan, mana aha oo kaliya Marcus. Waan fahamsanahay taas.
“Sida tababare ahaan, waxaan diiradda saarayaa waxqabadka iyo qaabka uu u tababarto. Inta kale, way wanaagsan tahay inaan aniga iyo kooxda si wadajir ah ula tacaalno marka waqtiga saxda ah yimaado. Hadda, waxaan diiradda saarayaa hagaajinta Marcus, waayo waxaan u baahan nahay ciyaaryahan karti leh sida Marcus.”
Visitor comments ( 0 )