Sida laga soo xiganayo wargeyska The Athletic ayaa ku waramaya in Naadiga Manchester United wax ka badashay gool hayaha booskaas oo laga saarayo Onana xili Manchester United la filayo in Gool haye cusub ku badali doonto booskaasi.
Kadib guuldaradii Manchester United kala kulantay Kooxda Arsenal kulankii furitaanka Premier League 17-kii August ayaa lagu soo waramayaa in United qorsheyneyso iney badasho Booska Andre Onana waa hadii Goolhaye cusub lasoo wareegaan.
Kulankii Arsenal iyo United ayay United ciyaarsiiyeen gool haye Altay Bayindir, Maamulka Manchester markii kulankaasi u fiirsadeen waxaa is badalay fikirkooda gool hayaha waxeyna goaansadeen iney suuqa galaan si gool haye fiican u helaan.
Warar hoose ayaa sheegayo iney Manchester United wada hadalo kula jirto Gool haye Senne Lammens, goolhayaha Antwerp, kasoo in mudo ahba isha ku hayeen hadana aay go’aansadeen iney is badal ku sameeyaan Booska gool hayaha.
Wixii warar dheeri ah oo arintaan kasoo kordho markasto waxaad kala socon kartaa webka, appka hooyga ciyaaraha ee Laacibka ama laacibka.com
Enjoy