Weeraryahanka Liverpool, Mohamed Salah, ayaa si kulul uga falceliyay qoraal uu taageere ku dhaleeceeyay ciyaartoyda kooxda ee hore sida Luis Díaz iyo Darwin Núñez, isagoo si gaar ah u ammaanay saxiixa cusub ee Alexander Isak.

Salah ayaa bartiisa Twitter ku qoray: “Aan u dabaaldegno saxiixyada cusub anagoo aan dhaawicin sharafta ciyaartoydii hore ee na horseeday guulo.”

Qoraalkan ayaa yimid kadib markii bogga taageerayaasha @AnfieldEdition uu faafiyay sawirro muran dhaliyay – Díaz iyo Núñez ayaa lagu soo bandhigay sawirro madow iyo caddaan ah, halka Isak iyo Florian Wirtz lagu muujiyay midab buuxa. Salah ayaa si degdeg ah u muujiyay caradiisa, taasoo keentay in boggaas raalligelin bixiyo, isagoo caddeeyay in ujeeddadu ahayd in la muujiyo guusha suuqa kala iibsiga – balse aysan ahayn in lagu xumeeyo ciyaartoydii hore.

Si kastaba ha ahaatee, falcelinta Salah ayaa dhalisay dood cusub:
Ma difaac buu u yahay asxaabtiisa hore mise wuxuu dareemayaa cabsi ah in Alexander Isak – oo lagu soo iibsaday £125 milyan – uu halis ku yahay booskiisa xiddigga ugu weyn ee kooxda?

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here