Ruben Amorim oo sharaxay sababta ka dambeysa isbeddelladiisa joogtada ah ee safka Manchester United.

25 December 2024 - 11:45 am

Ruben Amorim ayaa ilaa iyo haatan isticmaalay 24 ciyaartoy oo kala duwan sagaal kulan oo uu macallin u yahay Manchester United, iyadoo isbeddelladiisa joogtada ah ay keeneen dhaleeceyn maadaama Red Devils ay soo bandhigeen natiijooyin liita.

Amorim, oo 39 jir ah, weli ma uusan magacaabin saf iskumid ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii la soo dhaafay. Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale si lama filaan ah u sameeya beddelka ciyaarta dhexdeeda. Axadii, intii lagu jiray guul-darradii xanuunka badnayd ee 3-0 ee garoonkooda kagala kulmeen Bournemouth, Amorim wuxuu sameeyay hal beddel qeybta nasashada ka dib, isagoo ku daray laba kale ka hor dhamaadka ciyaarta.

Isbeddellada uu ku sameeyo daafacyada ayaa gaar ahaan keenay dhaleeceyn badan, iyadoo Gary Neville, kabtankii hore ee United, uu ka mid yahay dadka aan fahmin qaabkiisa, halka hal ciyaartoy uu si qarsoodi ah uga shakiyay habka tababaraha.

Waxaa la aaminsan yahay in tababaraha hore ee Sporting Lisbon uu doonayo inuu ogaado cidda u qalanta safkiisa ka hor suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, isagoo ilaa iyo haatan adeegsanaya 24 ciyaartoy sagaal kulan.

Laakiin Amorim wuxuu ku adkeysanayaa in aysan taasi ahayn sababta. Wuxuu yiri: “Xilligan isbeddellada ma ahan kuwa aan ku eegayo ciyaartoyda oo aan ku diyaarinayo mustaqbalka, waa hab fudud aan kula dagaallamayo dhaawacyada.”

“Waxaan rabaa kaliya inaan ku guuleysto kulammada maxaa yeelay waan ogahay inay jirto mashruuc muddo-dheer ah oo aan ku mashquulsan nahay.

“Haddii uu dhaawac ina harreeyo, waxay noqonaysaa dhibaato weyn oo naga hor istaagaysa inaan guuleysano kulammada iyo inaan ciyaartoyda oo dhan maamulno. Sidaas darteed, isbeddellada uma sameynayo mustaqbalka, waxaan kaliya doonayaa inaan guuleysto oo aan dhaawacyada ka fogaado.”