Cristiano Ronaldo ayaa u tilmaamay Martin Odegaard inuu noqon doono ciyaaryahan heer caalami ah saadaashaas uu u rumowday tan iyo markii uu ku biiray Arsenal.
26-jirka reer Norway wuxuu kasoo qalin jabiyay nidaamka dhalinyarada ee Stromsgodset 2013, ka hor inta aysan Los Blancos ka yaabin adduunka kadib markii ay u dhaqaajiyeen garoonka Bernabeu 2015 isagoo kaliya ah 16 jir.
Odegarad ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa abid u ciyaara kooxda Real Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, Odegaard ayaa waayay fursad uu kusoo bandhigo hibadiisa cajiibka ah intii uu joogay caasimada Spain.
Odegaard wuxuu kaliya kasoo muuqday 11 jeer kooxda koowaad ee Real Madrid isaga oo inta badan waayihii tababare Zinedine Zidane fadhiyay kursiga kaydka marna loo diray kooxda dhalinyarada ee Castilla.
Odegaard waligiis kuma guuleysan inuu ka mid noqdo kooxda ugu weyn ee La Liga lixdii sanno ee uu Real Madrid la joogay.
Waxaa booskiisa kooxdu ay u heysatay labada ciyaaryahan ee qibradda leh Toni Kroos iyo Luka Modric, waxaana amaah loogu diray kooxaha Heerenveen, Vitesse, Real Sociedad iyo Arsenal si uu u hormariyo xirfadiisa ciyaareed.
Inkastoo uu aad u yaraa waqtigiisii Real Madrid, Ronaldo ayaa si deg deg ah u akay inuu yahay ciyaaryahan tayo leh oo maalin uun gaari doona heerka uu tiigsanayo.
Ronaldo oo la hadlayay BT Sport sanadkii 2015 waxa uu yiri “waxaad arkaysaa ciyaartoy badan oo awood leh oo taariikh fiican sameyn kara, waxaan ka xusi karaa Martin Odegaard oo Madrid ka tirsan tusaale ahaan, isagoo 16 jir ah waxaad arki kartaa inuu yahay ciyaaryahan aad u wanaagsan.
Isaga oo hadalkiisa sii wata Ronaldo wuxuu yiri: “wuxuu noqon doonaa ciyaaryahan weyn maalin maalmaha kamid ah.