“Waa Gacan-ku-dhiigle dhoola-caddeeya” Rashford Asaga Ayaa Nacsiiyay Kooxda Manchester United…

29 December 2024 - 10:33 am

Marcus Rashford Oo Aan Lagu Qasbin Inuu Ka Tago Manchester United, Sida Uu Sheegay Andy Mitten.

Marcus Rashford, xiddiga weerarka Manchester United, ayaa la sheegay in uusan ku wajahneyn inuu kooxda kaga tago sababo la xiriira dhimista mushahaarka, sida uu shaaca ka qaaday saxafi Andy Mitten.

Wararka ayaa soo jeedinayay in maamulka cusub ee INEOS ay qorsheynayaan inay iska fasaxaan Rashford si ay u badbaadiyaan kharashaadka mushaharka, laakiin Mitten ayaa arrintan beeniyay, isagoo tilmaamay in tababare Ruben Amorim uu arrintan door weyn ku leeyahay.

“MAYA.Ma filayo in Marcus Rashford lagu qasbayo inuu baxo si loo baajiyo mushahaarkiisa ,” ayuu yiri Mitten. “Waxaan u maleynayaa in Amorim uu ka dambeeyo. Wuxuu wax walba u samaynayaa si uu uga shaqeeyo habka uu jecel yahay.”

Mitten ayaa sidoo kale ku tilmaamay tababaraha cusub ee United, Ruben Amorim, inuu yahay “gacan-ku-dhiigle dhoola-caddeeya” oo ah qof aad u adag marka ay timaado maamulka kooxda.

“Ruben Amorim waa tababare ku wanaagsan nidaamka iyo kala dambeynta. Waa mid adag oo leh qaab-hoggaamineed xooggan,” ayuu yiri Mitten.

Marcus Rashford ayaa xilli ciyaareedkan la kulmay hoos u dhac weyn, waxaana soo baxayay su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in tababaraha cusub uu doonayo inuu isbeddel ku sameeyo kooxda isagoo adeegsanaya qaab-dhismeed adag oo cusub.

Manchester United ayaa hadda ku jirta waqti adag, iyadoo taageerayaashu sugayaan inay arkaan sida kooxda ay uga soo kaban doonto xaaladda adag ee ay ku jirto. Rashford ayaa weli ah mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan ee kooxda, waxaana mustaqbalkiisa loo arkaa mid muhiim ah.