Waa Kuma Xidiga uu Ugu Neceb Yahay Arteta Dhamaan Ciyaarayahanada Arsena, Shaaca ayaa Laga Qaaday…

24 December 2024 - 10:48 am

“Waxaan u ciyaaray Arsenal – waa cadahay in Mikel Arteta uusan kalsooni ku qabin hal ciyaaryahan,” ayuu yiri Jermaine Pennant, oo hore ugu ciyaaray kooxda Gunners.

Pennant ayaa rumeysan in tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, uusan kalsooni ku qabin Raheem Sterling, kaasoo ku dhibtoonaya inuu boos joogto ah ka helo safka kooxda.

Arsenal ayaa haatan kaalinta saddexaad kaga jirta  Premier League, labo dhibcood oo kaliya ayay ka dambeeyaan Chelsea. Kooxda Arteta ayaa wali ku raad joogta hanashada horyaalkoodii ugu horreeyay tan iyo 2004.

Si uu u xoojiyo kooxdiisa, Arteta ayaa xagaagii la soo dhaafay sameeyay saxiixyo waaweyn, oo ay ka mid yihiin Riccardo Calafiori iyo Mikel Merino, iyo sidoo kale heshiis amaah ah ay ku soo qaateen Raheem Sterling hal xilli ciyaareed.

Si kastaba ha ahaatee, Sterling oo rajeynayay inuu dib u soo nooleeyo xirfaddiisa kubadda cagta ee waqooyiga London ayaa ku dhibtoonaya inuu Arteta ka helo fursad ciyaareed ku filan. Wuxuu kaliya ku bilowday labo kulan oo horyaalka ah ilaa iyo haatan.

Pennant ayaa sheegay: “Waxaa si cad ii muuqata in Mikel Arteta uusan Sterling ku kalsoonayn. Kulankii Everton waxay u baahnaayeen ciyaaryahan dhiirrigelin kara oo furfuri kara daafaca, laakiin waxaa kursiga keydka lagu hayay Sterling. Waxaa laga doorbiday ciyaartoy da’yar.

“Raheem waa ciyaaryahan weyn, laakiin da’diisu ma yaraanayso. Ma filayo in qandaraaskiisa la joojin doono iyadoo la tixgelinayo sharafta uu u leeyahay Premier League, laakiin ma filayo inaan Arsenal marar badan ku aragno isagoo xiran funaanadooda.”

Caqabadda Sterling ee Arsenal ayaa sii xumaatay kadib markii uu dhawaan dhaawac jilibka ah soo gaaray, taasoo su’aal ka keenaysa mustaqbalkiisa kooxda inta ka harsan xilli ciyaareedka.