Xusuus Cajiib ah Oo Ku Saabsan Cristiano Ronaldo Iyo Cidii Ka Oohisay Wakhtigan Cajiibka Ahaa…

30 December 2024 - 9:56 am

Ferguson ayaa oggolaaday in Manchester United ay la soo wareegto Ronaldo sanadkii 2003, waxaana xiddiga reer Portugal uu lix xilli ciyaareed oo guul ah ku qaatay garoonka Old Trafford.

Intii lagu guda jiray waayihiisii ugu horreeyey ee United, Ronaldo waxa uu dhaliyay in ka badan 100 gool, isaga oo ka caawiyay kooxda Ferguson inay ku guuleystaan saddex horyaal oo Premier League ah, saddex koob oo maxalli ah, iyo Champions League.

Ka dib markii uu kooxda uga wareegay Real Madrid sanadkii 2009, Ronaldo waxa uu muujiyey inuu yahay ciyaaryahan ka mid ah kuwa ugu wanaagsan adduunka, isaga oo noqday xiddigga ugu fiican waqtigaas. Waxa uu qaaday afar koob oo kale oo Champions League ah iyo shan Ballon d’Or ah.

Ronaldo waxa uu Real Madrid u dhaliyay tiro goolal cajiib ah – 450 gool 438 kulan gudahood – isaga oo lix jeer ka gudbay 50 gool xilli ciyaareed kasta sagaal sano oo uu ku sugnaa Madrid.

Xiddiga weyn ee 39 jirka ah ayaa marar badan ka hadlay saameynta uu Ferguson ku yeeshay xirfaddiisa, iyaga oo la wadaagay xiriir gaar ah intii ay isla joogeen.

Si kastaba ha ahaatee, Ferguson ma uusan ka labalabaynin in uu runta u sheego Ronaldo, isaga oo mar kaga ilmaysiiyey gudaha qolka labiska ka dib kulan Champions League ah sanadkii 2005.

Sida uu sheegay halyeey kale oo United ah, difaacii hore ee England, Rio Ferdinand, Ferguson waxa uu ka cadhooday qaab ciyaareedkii Ronaldo ee kulankii Benfica United looga reebay Champions League.

Filimka dukumenteriga ah ee BBC Sport ee ‘Sir Alex’, Ferdinand ayaa ka yiri: ‘Waxaan joogney Portugal. Cristiano si fiican uma uusan ciyaarin. Wuxuu ahaa ciyaaryahan da’yar oo aad u dadaalayay.

‘Waxaan xasuustaa kulankii aan la ciyaarnay Benfica, tababaraha wuxuu ku qeyliyay Cristiano. Wuxuu ku yiri: “Yaa tahay adiga? Waxaad halkan u timid inaad dadka u muujiso waxaad is leedahay waad tahay, waxaad u maleyneysaa inaad tahay xiddig weyn.”

‘Waxaan xasuustaa Cristiano oo ku ilmeynaaya gudaha qolka labiska. Waxaan is idhi, “Tababarahani cidna dan kama laha, daacad buu shaqadiisa u yahay.”

‘Laakiin eeg ciyaaryahankii uu noqday; Cristiano wuxuu u baahnaa waqtiyo sidaas ah.

‘Tababaruhu wuu u dejin kari karay, laakiin waa inuu adkaadaa si uu u gaaro halka uu gaaray, taas oo ah inuu noqdo ciyaaryahanka ugu fiican dunida.’

Canaantaas ma eysan dhaawicin jacaylka Ronaldo ee Ferguson, taas oo si buuxda loo xaqiijiyay ka hor intuusan aabihii geeriyoon 2005.

‘Way adag tahay in aan sheego hal [waqti oo gaar ah],’ ayuu Ronaldo u sheegay bogga rasmiga ah ee United markii wax laga weydiiyay xiriirkiisa tababaraha halyeeyga ah.

‘Waxaa jiray waqtiyo aad u qurux badan oo aan wadaagnay. Ma aha oo kaliya in aan wax kula guuleysto. Laakiin qalbigayga wuxuu xasuusanayaa waqtiyada ugu adag.

‘Waxaa suuragal ah inuusan xasuusneyn, laakiin waxaan dhihi doonaa waayo waa sheeko qurux badan. Maalin, aabbahay wuxuu ku jiray isbitaal, waxaana ahaa mid shucuur badan oo niyadjabsan. Waxaan kala hadlay isaga [Ferguson] wuxuuna igu yiri: “Cristiano, u tag aabahaa oo lasoo joog hal ama laba maalmood.”

‘Waxaan lahayn kulamo adag [oo na sugayay], waxaana ahaa ciyaaryahan muhiim ah wakhtigaas.

‘Wuxuu igu yiri: “Way adkaan doontaa sababtoo ah waxaan leenahay kulamo adag, laakiin waan fahmayaa xaaladdaada waana kuu oggolahay inaad tagto oo aabbahaa soo booqato.”

‘Arrintaasi waa tan ugu muhiimsan – marka laga reebo guulaha Champions League, ku guuleysiga Premier League, ku guuleysiga koobabka iyo wixii la mid ah.

‘Sidaas darteed, waa inaan ku qadariyaa, waayo wuxuu ii sheegay wixii uu sameeyay, waana in la mahadiyo taas.’

Ronaldo ayaa ku soo laabtay Manchester United 12 sano ka dib markii uu ka tagay 2021, isagoo dhaliyay 27 gool 54 kulan oo uu ciyaaray intii lagu jiray waayihiisii labaad ee garoonka Theatre of Dreams.